Ciidamo kala taabacsan Farmaajo iyo Axmed Madoobe oo isku hor fadhiya magaalada Baardheere.

Thursday September 26, 2019 - 11:11:41 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo kala taabacsan Farmaajo iyo Axmed Madoobe oo isku hor fadhiya magaalada Baardheere.

    Wararka laga helayo gobolka Gedo ee dhaca koonfur galbeed dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in xiisado colaadeed oo udhaxeeya dowladda Farmaajo iyo Axmed Madoobe ay ka oogmeen qeybo kamid ah gobolkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka laga helayo gobolka Gedo ee dhaca koonfur galbeed dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in xiisado colaadeed oo udhaxeeya dowladda Farmaajo iyo Axmed Madoobe ay ka oogmeen qeybo kamid ah gobolkaasi.


Xiisada colaadeed oo aad udaran ayaa lagasoo sheegayaa magaalada Baardheere oo ah magaalada labaad ee ugu weyn gobolka Gedo, xiisadaha ayaa udhaxeeya maleeshiyaad kala taageersan Farmaajo iyo Axmed Madoobe.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in xaafado katirsan Baardheere ay isku hor fadhiyaan ciidamo diyaarado looga qaaday Muqdisho iyo ciidamo horay ugu sugnaa magaalada kuwaas oo daacad u ah maamulka 'Jubbaland'.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay wadnaha farta ku hayaan ayna ka baqayaan iska hor'imaad lagu hoobto oo magaalada ka dhaca, ciidamada Farmaajo taabacsan ee Baardheere gaaray ayaa doonaya in ay la wareegaan xarumaha maamulka Jubbaland.


Saraakiisha ciidamada Xabashida Itoobiya ee kor ka haysta Baardheere ayaa lasafan garabka Farmaajo waxayna cadaadis ku hayaan maamulka degmada ee daacadda u ah Axmed Madoobe.

Khilaafka u dhaxeeya dowladda Farmaajo iyo Axmed Madoobe ayaa gaaray meeshii ugu sarraysay waxaana la saadaalinayaa in meesha kaliya ee labadaan dhinac isku fara saari karaan ay tahay gobolka Gedo oo Farmaajo uu ku leeyahay taageerayaal iyo ciidamo farabadan.

ku darso Channelka SomaliMeMo ee Telegramka halkan Guji ama @somalimemo1

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items