Jacques Chirac Madaxweynihii hore ee Faransiiska oo geeriyooday.

Thursday September 26, 2019 - 19:15:29 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 2.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jacques Chirac Madaxweynihii hore ee Faransiiska oo geeriyooday.

    Isbitaal kuyaal magaalada Paris ee caasimadda wadanka Faransiiska waxaa ku dhintay mid kamida madaxweynayaashii ugu waqtiga dheeraa ee wadankaasi soo maamulay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isbitaal kuyaal magaalada Paris ee caasimadda wadanka Faransiiska waxaa ku dhintay mid kamida madaxweynayaashii ugu waqtiga dheeraa ee wadankaasi soo maamulay.


Jacques Chirac oo ahaa madaxweynihii hore ee Faransiiska ayaa la xaqiijiyay in uu dhintay isagoo 86 sana jir ah, warsaxaafadeed kasoo baxay qasriga madaxtooyada Faransiiska ayaa lagu sheegay in aas qaran loo sameyn doono.

Ninkan halaagsamay ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay dowladda Faransiiska isagoo da'yar ayuu ka qeyb galay dagaalkii Faransiisku uu ku qabsaday wadanka Al jazaa'ir.

Jacques Chirac oo kaalin weyn ku lahaa gummeysiga wadamo badan oo muslimiin ah gaar ahaan kuwa dhaca galbeedka qaaradda Afrika ayaa Faransiiska maamulayay 12 sanadood oo xiriir ah intii u dhaxaysay sanadadii 1995 illaa 2007.


Ninkan dhintay ayaa sanaddii 2003 si adag u diiday in Q.Midoobay ay ansixiso duullaankii melleteri ee Mareykanka iyo Ingiriiska ay ku qaadeen wadanka Ciraaq wuxuuna xilligaas adeegsaday codka diidmada qayaxan balse arrinkaas ma baajin duullaankii ay Bush ay Tony Blair uqorshaynayeen dalka Ciraaq.

ku darso Channelka SomaliMeMo ee Telegramka halkan Guji ama @somalimemo1

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items