Saraakiil Turki ah oo Muqdisho lagu dhaawacay iyo Weerar ka dhacay meel ku dhow Balcad.

Thursday September 26, 2019 - 20:09:45 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saraakiil Turki ah oo Muqdisho lagu dhaawacay iyo Weerar ka dhacay meel ku dhow Balcad.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo maanta duhurkii ka dhacay isgoyska KM5 ee degmada Hodon magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo maanta duhurkii ka dhacay isgoyska KM5 ee degmada Hodon magaalada Muqdisho.



Qaraxa ayaa haleelay gaari nuuca  aysan xabaddu karin ah waxaana lahaa saraakiil katirsan dowladda Turkiga gaar ahaan kuwa ka howlgala magaalada Muqdisho.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku sheegatay mas'uuliyadda qaraxan, Al Shabaab waxay sheegtay in ay ku beegsatay saraakiil Turkish ah oo qeyb ka ah shisheeyaha dalka kusoo duulay.

"Mujaahidiinta ayaa qarax Muqdisho ka dhacay ku dhaawacay sedax sarkaal oo Turki ah iyo mid soomaali ah oo la shaqeynayay" ayaa lagu yiri war kooban oo Al Shabaab kasoo baxay.


Dhinaca kale weerar hubeysan oo lagu qaaday ciidamo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gelinkii dambe ka dhacay wadada xiriirisa magaalooyinka Balcad iyo Muqdisho.

Sida wararku sheegayaan xoogaga Al Shabaab ayaa weeraray isbaaro ciidamada dowladda utiillay wadada laamiga ah ee isku xirta Balcad iyo Muqdisho, Idaacadda Andalus ayaa sheegtay in xoogaga Al Shabaab ay weerarka kusoo furteen Afar qori iyo booshashkooda balse ma sheegin khasaaraha ciidamada kasoo gaaray weerarkaasi.

Waa markii 3aad oo bishaan gudaheeda Al Shabaab ay weerar ka fuliso wadada laamiga ah ee isku xirta Muqdisho iyo Balcad taas oo ka dhigan in weerarada Xarakada ay kasoo gudbeen inta udhaxaysa Jowhar iyo Balcad ayna kaabiga ku hayaan degmada Huriwaa.

ku darso Channelka SomaliMeMo ee Telegramka halkan Guji ama @somalimemo1

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items