Al Shabaab oo 11 Askari ku dishay Weeraro ka dhacay Jubbada Hoose iyo Sh/Hoose.

Saturday September 28, 2019 - 09:35:03 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo 11 Askari ku dishay Weeraro ka dhacay Jubbada Hoose iyo Sh/Hoose.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo shalay ka dhacay deegaanno kaabiga ku wabiga Jubba ee duleedka magaalada Kismaayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo shalay ka dhacay deegaanno kaabiga ku wabiga Jubba ee duleedka magaalada Kismaayo.


Sida wararku sheegayaan in iska hor'imaadyo xooggan oo ka dhacay deegaanka Qaamqaamka ee Jubbada Hoose ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 9 askari oo katirsanaa maleeshiyaadka maamulka isku magacaabay Jubbaland.

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Al Shabaab ayaa hareeraha wabiga Jubba ku baacsaday maleeshiyaad lagasoo tallaabiyay deegaanka Goobweyn oo ah halka ay isaga darsamaan biyaha Wabiga Jubba iyo Badweynta Hindiya.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay maleeshiyaadkan Kismaayo lagasoo abaabulay ku baacsadeen dhulka howdka ah ee wabiga Jiinkiisa, meydadka 8 askari ayaa gelinkii dambe ee maalintii jimcaha lagasoo aruuriyay hareeraha wabiga hubkii ay wateena waxaa qaatay xoogaga Jihaadiga SHM.


Wararka ayaa intaas ku daraya in meydka askari kale saaka laga helay dhulka howdka ah taas oo isku gayn tirada dhimashada inta la arkay ka dhigaysa sagaal.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay maleeshiyaadkan katirsan maamulka 'Jubbaland' kusii baacsanayaan hareeraha deegaanka Goobweyn ee duleedka magaalada Kismaayo.

Dhinaca kale qarax ka dhacay gudaha magaalada Marka ee xarunta Sh/hoose ayaa sababay dhimashada 2 askari halka 8 kale ay dhaawacyo soo gaareen.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items