Dibad baxyo ka dhan ah nidaamka Alsiisi oo Isbuucii 2aad ka dhacay Masar.

Saturday September 28, 2019 - 10:28:05 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dibad baxyo ka dhan ah nidaamka Alsiisi oo Isbuucii 2aad ka dhacay Masar.

    Boqolaal kun oo shacab ah ayaa markale wadanka Masar ka dhigay dibad baxyo ay ugasoo horjeedaan dowladda Melleteriga ee uu madaxda ka yahay dagaal ooge Cabdi Fataax Alsiisi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqolaal kun oo shacab ah ayaa markale wadanka Masar ka dhigay dibad baxyo ay ugasoo horjeedaan dowladda Melleteriga ee uu madaxda ka yahay dagaal ooge Cabdi Fataax Alsiisi.

Wararka ka imaanaya Masar ayaa sheegaya in shalay oo jimca aheyd ay dhaceen dibad baxyadii ugu ballaarnaa abid ee nidaamku uu lakulmo tan iyo sanaddii 2013 xilligaas oo Inqilaab melleteri uu wadanka ka dhacay.

Kumanaan kun oo mucaaradsan nidaamka Alsiisi ayaa isugusoo baxay magaalooyinka waaweyn ee Masar sida Al Qaahira iyo Asyuud, dadka iskusoo baxyada dhigayay ayaa ku qeylinayay erayo ka dhan ah nidaamka Melleteriga.

Inkastoo dowladda Masar ay heegan gelisay dhammaan laamaha ciidamadeeda sida sirdoonka,booliska iyo Melleteriga hadane kuma guuleysan in ay baajiyaan iskusoo baxyada malyuuniga ah.


Dalka dibaddiisa ayay dibad baxyo ka dhigayeen jaaliyadaha Masaarida ee sida aadka ah udiidan nidaamka Alsiisi, tobanaan kun shacab ah ayaa dibad baxyo ka hor dhigay safaaradaha dowladda Masar ay ku leedahay wadamada Jarmalka iyo Faransiiska.

Kacdoonkan cusub ee isbuucii labaad ka socda wadanka Masar waxaa sii xoojiyay nin lagu magacaabo Max'med Cali oo ah qandaraasle lasoo shaqeeya melleteriga Alsiisi kaasi oo soo bandhigay musuq maasuqa iyo wax isdaba marinta dhaqaale ee dowladda Masar ay ku kacayso.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items