Madaxii ilaalada Boqorka Sacuudiga oo toogasho lagu dilay.

Sunday September 29, 2019 - 09:38:05 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Madaxii ilaalada Boqorka Sacuudiga oo toogasho lagu dilay.

    Mas'uul sare oo katirsan ciidanka dowladda Sacuudiga ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday magaalada Jiddah ee ku teedsan xeebta badda Cas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mas'uul sare oo katirsan ciidanka dowladda Sacuudiga ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday magaalada Jiddah ee ku teedsan xeebta badda Cas.


Warar xalay laysla dhax qaaday baraha bulshada ayaa sheegayay in la dilay Jeneraalkii ugu sarreeyay ee ciidamada sida gaarka ah u ilaaliya Salmaan Bin Cabdul Caziiz oo ah boqorka dowladda Aala Sacuud.

War rasmi ah oo ay faafisay Jariiradda Alriyaadh ee Afka dowladda ku hadasha ayaa lagu xaqiijiyay in ladilay Jeneraal Abdul Caziiz Al-Faghm oo ahaa taliyihii ciidanka ilaalada Salmaan.

Dilka Jeneraalka waxaa geystay askari kamid ahaa ciidamadii uu taliyaha u ahaa balse warbaahinta dowladda ayaa dhacdadan ku tilmaamtay khilaaf shakhsiyadeed islamarkaana uusan ku lug laheyn siyaasadda wadanka.


Abdul Caziiz Al-Faghm ayaa caan ku ahaa ilaalinta amniga boqorradii kala duwanaa ee soo maray dalka Sacuudiga, dilka sarkaalkan ayaa imaanaya xilli Max'med Bin Salmaan oo ah dhaxal sugaha wadanka uu sanadadii dambe qaadayay tallaabooyin uu ku khaarijinayo dhammaan siyaasiyiinta uu isleeyahay waxay halis gelin karaan xukunkaaga.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items