Dowladda oo qaadday xayiraaddii dhanka Hawada ee magaalada Kismaayo.

Sunday September 29, 2019 - 18:59:23 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda oo qaadday xayiraaddii dhanka Hawada ee magaalada Kismaayo.

    War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xayiraaddii dhanka hawada aheyd laga qaaday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xayiraaddii dhanka hawada aheyd laga qaaday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.


Aadan Isxaaq Cali oo ah wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegay in ay xayiraadda ka qaadeen magaalada Kismaayo kadib codsi uga yimid shacabka ku dhaqan magaaladaasi.

Isbuucii lasoo dhaafay ayuu maareeyaha hawada dowladda Federaalka iclaamiyay in ay xayiraad kusoo rogeen dhammaan duulimaadyada diyaaradaha Kismaayo oo uu ka jiro maamul taabacsan dowladda Kenya islamarkaana kasoo horjeedo siyaasadda Farmaajo iyo Kheyre.


illaa iyo hadda wax jawaab celin ah kamasoo bixin maamulka Jubbaland oo ku saabsan tallaabda ay dowladda Farmaajo xayiraadda uga qaadday magaalada Kismaayo, arrintan ayaa imaanaysa xilli la baajiyay munaasabaddii lagu caleema saari lahaa Axmed Madoobe.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items