Shirkada Hormuud oo Shahaado Sharaf la gudoonsiiyay [Sawirro].

Sunday September 29, 2019 - 19:11:57 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkada Hormuud oo Shahaado Sharaf la gudoonsiiyay [Sawirro].

    Kadib xaflad ballaaran oo ka dhacday magaalada Muqdisho ayay Ururada bulshada Rayidka ah abaalmarin ku guddoonsiiyay mid kamida shirkadaha isgaarsiinta ee ugu caansan dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib xaflad ballaaran oo ka dhacday magaalada Muqdisho ayay Ururada bulshada Rayidka ah abaalmarin ku guddoonsiiyay mid kamida shirkadaha isgaarsiinta ee ugu caansan dalka Soomaaliya.


Shirkadda Hormuud ayaa abaal marin ku mutaysatay adeegyada ay uqabato shacabka Soomaaliyeed, xafladda oo ay kasoo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada iyo wasiirro katirsan dowladda Federaalka ayuu Ururka U abaal gud shahaadda sharaf ku guddoonsiiyay shirkadda.


 Cabdixakiim Xasan Idow oo ka mid ah maamulka sare ee shirkadda Hormuud Telecom oo guddoomay shahaado sharafta ayaa xusay in garashada Shacabka soomaaliyeed shahaado noocaan ah siiyaan Hormuud ay tallaabo wanaagsan, waxa uuna u mahad celiyey dadkii u gartay shahaadadaan, iyo sidoo kale madasha U abaal-Gud oo xafladda soo qaban qaabisay.



Guddoomiye Cabdixakiim Xasan ayaa dhinaca kale khubadiisa ku soo qaatay qaar ka mid ah waxqabadka shirkadda Hormuud isagoona yiri "Hormuud Telecom waxay qayb wayn ka qaadatay kobcinta dhaqaalaha, waxayna sidoo kale shaqo abuur u samaysay in ka badan 30,000 Kun shaqaale ah, waxaana ganacsiyada soomaaliyeed ku maal-galinnay in ka badan 15 Million dollar.”.


Waa markii ugu horraysay ay dadka soomaaliyeed shahaahdo sharaf noocaan ah u gartaan shirkad ganacsi oo ka jirta gudaha dalka Soomaaliya, taas oo lagu abaal-mariyey kaalinta muuqata ay ka gaysatay garab istaagga dadka Soomaaliyeed, iyo u hiillinta dadka tabaalaysan ay xil iska saartay shirkadda Hormuud Telecom.




Related Items