Hoggaamiyaha maamulka Fadhiidka ah ee Galmudug ayaa markale siyaasadda kusoo rogaal celiyay kadib bilo uu fadhiid ku ahaay gudaha magaalada Muqdisho.
Xaaf oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa iclaamiyay in uu dib usoo ceshtay hoggaanka maamulka Galmudug islamarkaana uu qaadi doono tallaabooyin uu boorka uga jafayo tayaynta maamulkiisa.
Wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Federaalka ayuu ku eedeeyay in ay uga baxday ballan ay horay ula gashay kadib markii uu iyada uwakiishay hoggaaminta maamulkiisa, Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa xaqiijiyay in uu qaban doono shirar siyaasadeed oo lagu qaban qaabinayo doorashooyin.
Xaaf oo iclaamiyay in uu dib ugu laabtay Hoggaaminta maamulka 'Galmudug'.
Hoggaamiyaha maamulka Fadhiidka ah ee Galmudug ayaa markale siyaasadda kusoo rogaal celiyay kadib bilo uu fadhiid ku ahaay gudaha magaalada Muqdisho.