Al Shabaab oo weerar culus ku qaaday saldhiga Maraykanka ee Balidoogle, iyo qaybo kamid ah saldhigga oo gacanta lagu dhigay

Monday September 30, 2019 - 10:39:29 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo weerar culus ku qaaday saldhiga Maraykanka ee Balidoogle, iyo qaybo kamid ah saldhigga oo gacanta lagu dhigay

    Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Al Shabaab ayaa goordhowr weerar lixaad leh ku qaaday saldhigga ugu weyn ee ciidamada Maraykanku ku leeyihiin Soomaaliya kaas oo ku yaalla Garoonka diyaaradaha ee Balidoogle.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Al Shabaab ayaa goordhowr weerar lixaad leh ku qaaday saldhigga ugu weyn ee ciidamada Maraykanku ku leeyihiin Soomaaliya kaas oo ku yaalla Garoonka diyaaradaha ee Balidoogle.


Weerarka oo bilowday daqiiqado yar ka hor ayaa waxaa uu ku bilowday gaadiid lagu soo raray walxaha qarxa kuwaas oo gudaha u galay xerada Maraykanka ee Balidoogle.

Qaraxyo waaweyn oo ruxay gudaha garoonka Balidoogle ayaa laga maqlay magaalooyin aad uga fog garoonka, waxaana hadda socda dagaal culus oo gudaha garoonka ku dhexmaraya ciidamada Al-Shabaab ee xerada soo weeraray iyo ciidamadii Maraykanka ahaa ee halkaas lagu weeraray.


War kooban oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidamadoodu ay qaadeen howlgal weyn oo ka dhan ah ciidamada Mareykanka ee majaraha u haya duullaanka dowladaha shisheeye kusoo qaadeen Soomaaliya.

Wixii faahfaahin ah dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa insha'Allaah

Related Items