Xarakada Al-Shabaab oo war rasmi ah kasoo saartay weerarka Balidoogle (BAYAAN)

Monday September 30, 2019 - 11:53:11 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 3.3/5 Stars) Total Votes: 3
  • 3 1
  • Share via Social Media

    Xarakada Al-Shabaab oo war rasmi ah kasoo saartay weerarka Balidoogle (BAYAAN)

    Bayaan degdeg ah oo ay faafisay Mu'asasada Alkataa'ib ee garabka warbaahineed ee Xarakada Al Shabaab ayaa looga hadlay weerarka xooggan ee lagu qaaday garoonka Balidoogle.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bayaan degdeg ah oo ay faafisay Mu'asasada Alkataa'ib ee garabka warbaahineed ee Xarakada Al Shabaab ayaa looga hadlay weerarka xooggan ee lagu qaaday garoonka Balidoogle.


"Subaxnimadii hore ee saaka, ciidamo gaar ah oo ka tirsan guutada Istish-haadiyiinta ee Xarakada Al-Shabaab ayaa duullaan halyeeynimo ku qaaday saldhigga ciidamada Mareykanka ee Balidoogle ee ku yaalla Sh/hoose"

"Garoonkaan oo qiyaastii 100km dhanka waqooyi galbeed kaga beegan Muqdisho ayaa wuxuu hooy u yahay boqolaal ka tirsan military-ga Mareykanka, Saraakiisha UN-ka iyo shirkadaha military ee gaarka loo leeyahay iyo diyaaradaha Mareykanka, wuxuu sidoo kale ka dhigan yahay taliska laga hago diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka"


"Ka dib markii ay jabiyeen difaacyada hore ee saldhiggan aadka loo ilaaliyo Mujaahidiintu waxay iqtixaameen xerada, dagaal adag ayeyna ku qaadeen salibiiyiinta halkaas ku sugan. dagaalkuna weli wuu socda, Waxayna Xarakada Al-Shabaab soo gudbin doontaa wixii faahfaahino ah ee ku saabsan howlgalkaas"..

Halkan ka degso bayaanka oo English ah PDF 

Related Items