Khasaara xooggan ayaa ka dhashay weerar naf hurnimo oo maanta ka dhacay agagaarka wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Federaalka ee magaalada Muqdisho.
Weerarka ayaa lagu beegsaday kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen askar iyo saraakiil Caddaan ah kuwaas oo qeyb ka ah duullaanka dowladaha shisheeye kusoo qaadeen dalka Soomaaliya.
Dagaalyahan naftii hure ah oo kaxaynayay gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay ayaa beegsaday kolonyada oo ka koobneed illaa sedax gaari oo nuuca qafilan ah.
War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka istish-haadiga ah lagu burburiyay laba gaari oo kamid ahaa sedaxdii gaari ee kolonyadu ay ka koobneed.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in khasaara dhimasho iyo dhaawac ah uu gaaray askar iyo saraakiil katirsan dowladda Talyaaniga oo qeyb ka ah dowladaha Ururka Midowga Yurub ee kaabaya duullaanka shisheeye ee lagusoo qaaday dalka Soomaaliya.
Bishii October sanadii 2018 ayay aheyd markii sidaan oo kale weerar istish-haadi ah loola beegsaday ciidamo caddaan ah oo ku socdaalayay isla goobta maanta weerarku ka dhacay.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
Ciidamo Talyaani ah oo qarax xooggan lagula beegsaday gudaha magaalada Muqdisho
Khasaara xooggan ayaa ka dhashay weerar naf hurnimo oo maanta ka dhacay agagaarka wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Federaalka ee magaalada Muqdisho.