Wararka ka imaanaya wadanka Kenya ayaa sheegaya in ciidamada Booliska ee qaabilsan ladagaallanka waxa loogu yeero Argagaxisada ay toogasho ku dileen dad muslimiin ah.
Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in ciidamo hubeysan ay weerar ku qaadeen xaafadda Likoni oo kamida ah xaafadaha ugu caansan magaalada Mombasa ee dhulalka muslimiinta xeebaha.
Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in ciidamo wajiyadu uduubanyihiin ay weerareen guri kuyaal xaafadda Likoni waxayna halkaas ku dileen illaa 6 qof oo shacab ah, saraakiisha ciidamada Booliska ee lagu magacaabo ATPU ayaa la sheegay in ay howlgallo raaf ah ugeysteen dad muslimiin ah kadib weerarka.
Ciidamada ashahaadda ladirirka dowladda Kenya ayaa caan ku ah in ay xasuuq ugeystaan dadka shacabka ah iyagoo ku marmarsiyoonaya la dagaallanka waxa Argagaxisada loogu yeero, dadka caanka ah ee magaalada Mombasa lagu dilay waxaa kamid ahaa Sheekh Caabudu Roogo iyo Shariif Makabuuri.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
Ciidamada Kenya oo Shacab muslimiin ah ku xasuuqay Magaalada Mombasa.
Wararka ka imaanaya wadanka Kenya ayaa sheegaya in ciidamada Booliska ee qaabilsan ladagaallanka waxa loogu yeero Argagaxisada ay toogasho ku dileen dad muslimiin ah.