Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro khasaara xooggan dhaliyay oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaan katirsan gobolka Sh/Hoose.
Wararka ka imaanaya deegaanka Ceel Saliini ee duleedka magaalada Marka ayaa sheegaya in duqeymo iyo qaraxyo lagu beegsaday saldhig melleteri ay ku dhinteen ugu yaraan 12 askari oo katirsan ciidamada dowladda.
Ilo wareedyo amni ayaa sheegaya in duqeyn xoogaga Al Shabaab ay ugeysteen saldhigga Ceel Saliini ay sababtay dhimashada 7 askari, sidoo kale qarax xooggan oo ciidamada lagula beegsada isla deegaanka waxaa ku dhintay 5 askari.
War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu xaqiijiyay in 40 madfac lala helay saldhigga Ceel Saliini waxaana gubtay qaar kamid ah Teendhooyinkii ay ciidamada dowladdu ka dhisteen gudaha saldhigga.
Weerar 12 Askari lagu dilay oo ka dhacay deegaan katirsan Sh/Hoose.
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro khasaara xooggan dhaliyay oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaan katirsan gobolka Sh/Hoose.