16 katirsan Ciidamada Danab oo ku dhintay qaraxyo ka dhacay duleedka Muqdisho.

Wednesday October 02, 2019 - 17:24:30 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    16 katirsan Ciidamada Danab oo ku dhintay qaraxyo ka dhacay duleedka Muqdisho.

    Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay qaraxyo xooggan oo maanta gelinkii dambe duleedka magaalada Muqdisho lagula beegsaday maleeshiyaad ay tababartay dowladda Mareykanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay qaraxyo xooggan oo maanta gelinkii dambe duleedka magaalada Muqdisho lagula beegsaday maleeshiyaad ay tababartay dowladda Mareykanka.


Wararka ka imaanaya deegaannada dhanka galbeed uga beegan magaalada Muqdisho aya sheegaya in laba qarax oo aad u xooggan lala helay kolonyo ciidamo ah kuwaas oo watay gaadiid nuuca dagaalka ah.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku sheegtay in qaraxyada oo ahaa kuwa is xigxigay ay ku dishay ugu yaraan 16 askari oo ah kuwa loo yaqaan Bangaraafta ee Mareykanku uu utababaray.

"Qaraxyo barakaysan oo mujaahidiintu ay ka murtadiinta kula beegsadeen deegaanka Xaawa Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho waxaa ku dhintay ugu yaraan 16 karirsan maleeshiyaadka Murtadiinta ee ay carbisay dowladda Saliibiyadda Mareykanka dhaawaca cadowga gaarayna waa 15 halka 2 gaari ay goobta ku basbeeleen" ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay Al Shabaab.


Wararka ayaa intaas ku daraya in 4 sarkaal oo katirsanaa ciidamada Danab ay kamid ahaayeen xubnaha lagu dilay qaraxa sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Al-Shabaab.

Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta madaxa banaan u sheegay in jugta qaraxyo waaweyn ay maqleen kadibna ay wadada laamiga ah ku arkeen ciidamo meydad iyo dhaawacyo kala guraya.

Qaraxan khasaaraha badan lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka dowladda ee Mareykanku tababaray ayaa imaanaya maalin kadib markii uu dhacay weerarkii lagu hoobtay ee Al Shabaab ay ku qaadday saldhigga melleteri ee garoonka diyaaradaha Balidoogle.


Related Items