Afar katirsan Ciidamada Booliska Faransiiska oo lagu dilay weerar ka dhacay magaalada Paris.

Thursday October 03, 2019 - 10:18:49 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afar katirsan Ciidamada Booliska Faransiiska oo lagu dilay weerar ka dhacay magaalada Paris.

    Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay weerar lagu qaaday xarunta dhexe ee ciidamada Booliska wadanka Faransiiska.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay weerar lagu qaaday xarunta dhexe ee ciidamada Booliska wadanka Faransiiska.

Ugu yaraan 4 askari oo katirsan ciidamada ammaanka Faransiiska ayaa ladilay kadib markii nin Minddi ku hubeysan uu weeraray xarunta booliska ee kutaal bartamaha magaalada Paris ee caasimadda Faransiiska.

Warbaahinta Maxalliga ah ayaa sheegtay in mid kamida saraakiisha dhanka maamulka ee Booliska isagoo Middi wata uu weeraray qeybta baarista ee xarunta Booliska wuxuuna halkaas ku dilay 4 askari oo mid kamida uu ahaa sarkaal.

Duqa magaalada Paris ayaa sheegay in ay baarayaan dhacdada illaa iyo haddana aan la ogeyn sababta nin sarkaal boolis ah ku riixday in uu laayo saaxibadiis, saraakiisha Booliska ayaa sheegaya in askariga dilka geystay uu adeegsanayay Minddi Macdan ka sameysan.


Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada Booliska ay toogteen ninka weerarka geystay, waxaa albaabada loo laabay dhammaan xarumaha maamulka ee ku dhow taliska booliska magaalada Paris.

Ku Biir Channel-ka SomaliMeMo ee Telgramka

https://t.me/joinchat/AAAAAFgiBbk1GvS9Hv55MA
Halkan ka degso Setup-ka Telgram Download

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items