Diyaaradaha Dowladda Kenya oo dad shacab ah iyo xoolihii ay dhaqanayeen ku laayay duleedka magaalada Kismaayo.

Thursday October 03, 2019 - 17:07:55 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Diyaaradaha Dowladda Kenya oo dad shacab ah iyo xoolihii ay dhaqanayeen ku laayay duleedka magaalada Kismaayo.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeymo bahalnimo ah oo ciidamada cirka Kenya ay saacadihii lasoo dhaafay ka geysteen deegaan dhanka galbeed uga beegan magaalada Kismaayo ee Jubbada Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeymo bahalnimo ah oo ciidamada cirka Kenya ay saacadihii lasoo dhaafay ka geysteen deegaan dhanka galbeed uga beegan magaalada Kismaayo ee Jubbada Hoose.


Wararka ka imaanaya xuduud beenaadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya ayaa sheegaya in diyaarado dagaal oo ay leeyihiin Melleeteriga Kenya ay xalay fiidkii duqeeyeen baadiyaha deegaanka Hoosingoow.

Duqeynta ayaa ka dhacday deegaan lagu magacaabo (Gurur) oo ay deganyihiin dadka xoolaha dhaqtada ah gaar ahaan kuwa loo yaqaan Lo'layda ee Lo'da dhaqda.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in 2 qof ay isla goobta ku dhinteen halka hal qof kale uu dhaawac soo gaaray, wararka ayaa intaas ku daraya in 12 neef oo Lo' ah ay goobta ku bakhtiyeen halka 50 kale ay waxyeello gaartay.


Qof ka badbaaday duqeynta ayaa warbaahinta u sheegay in 4 gantaal ay ku dhaceen tuulada Gurur islamarkaana ay dhulka howdka ah ufirxadeen boqolaal neef oo Lo' ah.

Habeen hore ayay aheyd markii sidaan oo kale ciidamada Kenya ay duqeyn uga geysteen deegaanka Welmaaroow oo hoos taga degmada Afmadoow ee isla gobolka Jubbada Hoose, dowladda Kenya ayaa xasuuqa ku haysa shacabka Soomaaliyeed ee deggan Jubbooyinka iyo Gedo.

Related Items