Akhriso: Al Shabaab oo Bayaan kasoo saartay qaraxyo lagu laayay Ciidamo Mareykanku Tababaray.

Thursday October 03, 2019 - 18:31:01 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 5
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Akhriso: Al Shabaab oo Bayaan kasoo saartay qaraxyo lagu laayay Ciidamo Mareykanku Tababaray.

    Maktabka wafaafinta ee Xarakada Al-Shabaab ayaa soo saaray war saxaafadeed uu kaga hadlayo qaraxyo barakeysan oo gelinkii dambe ee maalintii shalay lala eegtay Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen maleeshiyaatka uu Maryekanku soo tababaray ee daggan Xerad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maktabka wafaafinta ee Xarakada Al-Shabaab ayaa soo saaray war saxaafadeed uu kaga hadlayo qaraxyo barakeysan oo gelinkii dambe ee maalintii shalay lala eegtay Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen maleeshiyaatka uu Maryekanku soo tababaray ee daggan Xerada Balidoogle ee wilaayada Sh/hoose.



Bayaankan oo ku qornaa luuqada Enlgish-ka ayaa lagu sheegay in qaraxyadan barakaysan lala eegtay gaadiid kasoo ambabaxay magaalada Muqdisho kuna sii jeeday saldhigga Balidoogle ee Isniintii la soo dhaafay la kulmay weerar aad u xooggan oo kaga yimid dagaalyahano katirsan Al-Shabaab.

"Mujaahidiintu waxay fuliyeen howlgal guuleystay oo lagu beegsaday maleeshiyaatka Murtadiinta ee uu Mareykanku soo tababaray, iyagoo halkaas ku dilay ugu yaraan 16 askari, sidoo kalena dhaawacay 15 kale, waxaana weerarkan uu noqonayaa dharbaaxo kale oo lala helay olole dagaaleedka uu military-ga Mareykanku ka wado Soomaaliya” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka ka soo baxay Maktabka warfaafinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.



Kolonyada ciidamada ah ee la weeraray oo watay ugu yaraan 6 gaari oo kuwa dagaalka ah ayaa waxaa qaraxii 1aad uu ku qabsaday deegaanka Xaawa Cabdi, halkaas oo looga gubay mid ka mid ah gaadiidkii ay wateen, sidoo kalena dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen dhowr askari.

Qaraxaas ka dib, Maleeshiyaatka ayaa hakiyay safarkoodii ku wajahnaa Balidoogle dibna ugu laabtay dhanka Muqdisho balse markii ay marayaan meel u dhow halka loo yaqaano Isbaarada Shabelle ayay la kulmeen qarax kale oo aad u xoogan kaas oo lala helay gaari Cabdi Bile ah oo waday dhaawacyadii askarta kaas oo la sheegay inuu gabi ahaanba burburay wixii saarnaana ay goobta ku wada halaagsameen sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Shabaabul Mujaahidiin.

Inta la hubo ugu yaraan 16 askari oo ka tirsanaa ciidamada gaarka ah ee uu soo tababaray Mareykanka oo ay ku jiraan 4 sarkaal ayaa ku bakhtiyey qaraxyadaas, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 15 kale sida lagu sheegay war saxaafadeedka ka soo baxay maktabka warfaafinta ee Al-Shabaab.

"Weerarada tixanaha ee lagu beegsaday Ciidamada Mareykanka, kuwa midowga Yurub iyo xulifadooda Murtadiinta waxay qeyb ka yihiin Jihaadka lagula jiro xamlada saliibiga ah ee uu hogaaminayo reergalbeedka ee dhanka ah Muslimiinta Soomaaliya, waxaana weeraradii Ballidoogle, Muqdisho, Ceel Saliini iyo qaraxyada joogtada ah ee ka dhaca wadada u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye ay daliil dhab ah u yihiin awoodda howlgallada military ee kala duwan ee ay Mujaahidiintu ku hayaan cadowga Islaamka ee ku sugan Soomaaliya, waxayna banaanka soo dhigayaan awoodda ay Mujaahidiintu u leeyihiin inay macluumaad sirdoon oo suggan ka keenaan dhaq-dhaqaaqyada cadowgooda kuna qaadaan weeraro xoogan” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay XSHM.

War Saxaafadeedka waxaa gabagabadii lagu yiri: "Ximaayada, xeyndaabyada iyo xoojinta xarumaha kama hor istaagi doonaan ciidanka Allaah ee xaqqa ku dagaalamaya inay gaaraan hadafkooda, Mujaahidiintuna –Allaah idankii- waxay udusi doonaan xarumaha iyo saldhigyada ugu amni badan ee cadowga si ay u caabiyaan duullaanka Mareykanka ee ka dhanka ah Islaamka, dalkan Muslimka ah iyo dadkiisana uga difaacaan cadowga gudaha iyo midka dibadda intaba”.

Al-Shabaab ayaa todobaayadii la soo dhaafay xoojisay weerarada iyo duullaanada qorsheysan ee lagu beegsanayo cadowga jinsiyadaha kala duwan leh ee duullaanka ku jooga dalkan iyo dabadhilifyadiisa, waxaana howlgaladan barakeysan ay imaanayaa iyadoo dhawaan Amiirka Xarakada Al-Shabaab dagaalyahanadiisa ugu baaqay in ay sii laba jibaaraan camaliyaatka Jihaadiga ka dhanka ah cadowga.


Qaraxyadii shalay ka dhacay duleedka galbeed ee magaalada Muqdisho ayaa saameyn xun ku reebay maleeshiyaadka Danab ee mareykanku tababaray, baraha internerka ayaa saacadihii lasoo dhaafay laysla dhax qaadayay magacyada iyo sawirrada saraakiishii maleeshiyaadka bangaraafta ee weerarka lagu laayay.

Halkan ka degso Bayaanka oo English ah PDF 

Related Items