Kacdoonka ay dhigayaan Shiicada dalka Ciraaq oo xoogaystay.

Thursday October 03, 2019 - 20:38:37 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kacdoonka ay dhigayaan Shiicada dalka Ciraaq oo xoogaystay.

    Dibad baxyo xooggan oo wata rabshado ayaa maalinki 3aad oo xiriir ah ka soconaya magaalooyinka kala duwan ee dalka Ciraaq kuwaas oo looga cabanayo shaqa la'aanta, nolol xumada iyo Sicir bararka ka jiro dalka, waxaana lasoo shegaya in tiro dad ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dibad baxyo xooggan oo wata rabshado ayaa maalinki 3aad oo xiriir ah ka soconaya magaalooyinka kala duwan ee dalka Ciraaq kuwaas oo looga cabanayo shaqa la'aanta, nolol xumada iyo Sicir bararka ka jiro dalka, waxaana lasoo shegaya in tiro dad ah ay ku dhinteen, in ka badana 200 oo kalena ay ku dhawacmeen.



Ugu yaraan 12 qof oo shacab ah, iyo hal askari oo katirsan ciidanka dowladda ayaa lagusoo wareamaya in ay ku dhinteen dalka ciraaq kadib rabshado xiriir ah oo ka dilaacay magalaaooyinka Baqdaad, Naasiriyah, Baabul, Najaf iyo kuwa kale, halka illaa 200 oo kalena ay dhawacyo kala duwan soo gaareen.

Dadka dhintay iyo kuwa dhawacmay ayaa la geeyay Isbitalada caafimadka magaalada caasimadda ah iyo Nasiriyah, labadaas magaalo oo ah meesha ay ka soconayan dibad baxyada ugu xooggan, sidoo kalena waxaa jira warar tilmaamaya khasaare soo gaaray ciidanka Shiicada ee wadankaasi.



Xaalad degdeg ah ayaa looga dhawaqay magaalada Baqdaad, Xukumadana R/wasaare Caadi Cabdul Mahdi ayaana bandow kusoo rogtay magalaada, kaas oo bilowday saaka abaara 5 Arornimo, lamina oga ilaa goorta uu socon doono bandowgaasi.

Dadka shiicada ah ee kacdoonka wada ayaa bilaabay in ay xoog ku galaan xarumaha maamulka, dowladaha reergalbeedka ayaa durbadiiba muwaadiniintooda uga digay in ay usafraan wadanka Ciraaq.

Dalka Ciraaq oo kamid ah sedaxda dowladood ee soo saara shidaalka ugu badan caalamka ayay dadkiisu faqri ka sheeganayaan sababa laxiriirta hoggaamiyaasha Shiicada oo hantida dadweynaha ku takri fala.

Related Items