Qarax gaari looga gubay ciidanka Kenya oo ka dhacay deegaanka Haluuqa.

Thursday October 03, 2019 - 20:40:56 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 3.5/5 Stars) Total Votes: 2
  • 3 0
  • Share via Social Media

    Qarax gaari looga gubay ciidanka Kenya oo ka dhacay deegaanka Haluuqa.

    Wararka ka imaanaya dhulka Soomaalida NFD ee gummeysiga ku jira ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay qarax khasaara xooggan lagu gaarsiiyay ciidamo katirsan Melleteriga dowladda Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya dhulka Soomaalida NFD ee gummeysiga ku jira ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay qarax khasaara xooggan lagu gaarsiiyay ciidamo katirsan Melleteriga dowladda Kenya.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in qarax miino uu burburiyay gaari Kooyaal ah oo qeyb ka ahaa kolonyo katirsan ciidanka Kenya xilli ay ku socdaalayeen inta udhaxaysa deegaannada Haluuqa iyo Galmagala.

Wararka ayaa intaas ku daraya in gaariga qaraxu haleelay oo ahaa nuuca loo yaqaan Kooyal uu gabi ahaantiisba uu burburiyay waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday ciidamadii la socday.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxa balse illaa iyo hadda lama hayo tirada ciidamada dowladda Kenya ee ku dhintay qaraxa.



Related Items