Ciidamada Dowladda Federaalka Oo lagu weeraray degmada Awdheegle.

Sunday October 06, 2019 - 23:32:51 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Dowladda Federaalka Oo lagu weeraray degmada Awdheegle.

    Gelinkii dambe ee maanta ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday difaacyada ciidamada dowladda Federaalka ay ku leeyihiin degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gelinkii dambe ee maanta ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday difaacyada ciidamada dowladda Federaalka ay ku leeyihiin degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose.



Dagaalka oo ahaa mid culus oo hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday ayaa lagu soo waramayaa inuu in muda ah socday, islamarkaana daryanka hubka la isku adeegsanayay laga maqlayay goobo fog fog.

Ciidamada Xarakada  Al-Shabaab oo takbiirsanaya ayaa dhowr jiho ka weeraray saldhiga ciidamada dowladda ee Awdheegle kuwaas oo ciidamada Afrikaanta ku wehlinaya duullaankooda ay ku yimaadeen degmadaas.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashey dagaalka galabta ka dhacay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose wuxuuna dagaalkan qeyb ka yahay howlgallada ballaaran ee ay wadaan xoogaga Al Shabaab.

Xigasho: Radio Alfurqaan

Related Items