Taliban iyo Mareykanka oo Maxaabiis isdhaafsaday, Hoggaamiyaal Jihaad oo kamid ah ragga lasii daaye.

Monday October 07, 2019 - 11:17:03 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliban iyo Mareykanka oo Maxaabiis isdhaafsaday, Hoggaamiyaal Jihaad oo kamid ah ragga lasii daaye.

    Wararka ka imaanaya wadanka Afghanistan ayaa sheegaya in Heshiis maxaabiis iswaydaarsi ah uu dhaxmaray Xarakada Jihaadiga Taliban iyo dowladda Mareykanka ee hoggaaminaysa dagaalka 18 sana jirsaday ee wadankaasi ka socda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Afghanistan ayaa sheegaya in Heshiis maxaabiis iswaydaarsi ah uu dhaxmaray Xarakada Jihaadiga Taliban iyo dowladda Mareykanka ee hoggaaminaysa dagaalka 18 sana jirsaday ee wadankaasi ka socda.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Taliban ay lasoo wareegtay dagaalyahanno mujaahidiin ah iyo hoggaamiyaal sarsare oo caan ka ah saaxada Jihaadka wadanka Afghanistan.

Maxaabiista muslimiinta ee gacanta Americanka lagasoo fakiyay waxaa kamid ah Sheekh Cabdi Raxiim oo horay u ahaa waaliga wilaayada Koonar iyo Mowlawi Cabdi Rashiid Baloosh oo ahaa waaligii wilaayada Namruuz.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Taliban ay sii daysay maxaabiis American ah oo ay ku qabatay dagaalka Afghanistan ayna ku bedelatay illaa 21 maxbuus oo hoggaamiyaal sarsare ay kamid yihiin.


Maxaabiistan katirsanaa Taliban ayaa muddo sanada ah ku xirnaa Xabsiga fadeexadda ku caanbaxay ee Bagraam oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Mareykanka, illaa iyo hadda war rasmi ah kamasoo bixin labada dhinac oo ku saabsan heshiiskan maxaabiis isdhaafsiga ah ee ay gaareen.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items