Mas'uul katirsanaa Dowladda Federaalka oo lagu dilay deegaanka Ceelasha Biyaha.

Monday October 07, 2019 - 11:34:01 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Mas'uul katirsanaa Dowladda Federaalka oo lagu dilay deegaanka Ceelasha Biyaha.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar dil ah oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno dhanka galbeed uga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar dil ah oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno dhanka galbeed uga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.


Xoogag hubeysan oo katirsan Al Shabaab ayaa xalay deegaanka Ceelasha Biyaha ku dilay mas'uul sare oo katirsanaa maamulka dowladda Federaalka uqaabilsan deegaannada dhaca duleedka caasimadda.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in xoogag aad u hubeysan ay weerareen mas'uulka ayna dileen,wararka ayaa intaas ku daraya in ragga dilka gaystay ay horay usii qaateen gaari nuuca raaxada ah oo uu watay sarkaalka la weeraray.


illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin dhanka DF-ka oo ku aaddan sarkaalkan looga dilay deegaanka weynaha Ceelasha Biyaha.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items