Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda oo qaraxyo lagula beegsaday Muqdisho.

Thursday October 10, 2019 - 10:28:18 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda oo qaraxyo lagula beegsaday Muqdisho.

    Weeraro kala duwan oo qaraxyo ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay ciidamada shisheeyaha AMISOM iyo maleeshiyaadka dowladda Federaalka lagula beegsaday gudaha magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weeraro kala duwan oo qaraxyo ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay ciidamada shisheeyaha AMISOM iyo maleeshiyaadka dowladda Federaalka lagula beegsaday gudaha magaalada Muqdisho.


Qarax xooggan ayaa maanta barqadii kolonyo katirsan ciidamada AMISOM lagula eegtay  wadada Warshadaha gaar ahaan degmada Yaaqshiid, dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in qarax miino uu haleelay gaari xamuul ah oo ay wateen ciidamada Burundi.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxa oo ka dhacay inta udhaxaysa Kooka Koolla iyo Saraha Caymiska uu burburiyay gaari xamuul ah oo qeyb ka ahaa kolonyo gaadiid ah oo ka yimid dhanka degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.


Sidoo kale laba qarax ayaa xalay lagu weeraray saldhigyo ay ciidamada dowladda Federaalka ay ku leeyihiin isgoysyada Albarako iyo Ex.control Balcad oo ka kala tirsan degmooyinka Hodon iyo Huriwaa.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegatay mas'uuliyadda dhammaan qaraxyadii saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadira.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items