Wararka ka imaanaya duleedka degmada Saakoow ayaa sheegaya in ugu yaraan 4 qof
ay dhinteen kadib markii doon ay laqallibantay dad ku safrayay biyaha wabiga
Jubba.
Dadka dhintay ayaa ahaa sedax haween ah iyo canug yar, qaar kamid ah dadkii
shilkaas ka badbaaday ayaa warbaahinta u sheegay in doontu xilli ay socodkeeda
si caadi ah uwadatay uu si lama filaan ah ugu dhacay geed biyaha udul
sabaynayay.
Maamulka islaamiga degmada Saakoow ayaa ugurmaday dadkii wabiga ku daatay ee
doonta qallibantay la socday, wararka ayaa intaas ku daraya in lasoo
badbaadiyay illaa 7 qof oo kamid ahaa dadkii doonta la socday.
Dadka doontu laqallibantay ayaa ka amba baxay magaalada Saakoow waxayna kusii
jeedeen deegaanno kale oo oo isla gobolka Jubbada dhexe katirsan, dadka deggan
wabiga Jiinkiisa ayaa sheegaya in shilkan mid lamid ah uu wabiga Jubba ka dhacay
waqti hadda laga joogo afartan sanadood.
Liibaan Jeexoow Cabdi
Afar qof oo ku dhintay Shil ka dhacay duleedka degmada Saakoow.
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil khasaara dhaliyay oo shalay ka dhacay gobolka Jubbada dhexe ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.