Saciid Deni oo Kismaayo gaaray iyo Farmaajo oo Addis Ababa u amba baxay.

Thursday October 10, 2019 - 11:09:36 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saciid Deni oo Kismaayo gaaray iyo Farmaajo oo Addis Ababa u amba baxay.

    Magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose waxaa gaaray siyaasiyiin iyo mas'uuliyiin katirsan dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose waxaa gaaray siyaasiyiin iyo mas'uuliyiin katirsan dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada.

Saciid Deni oo ah hoggaamiyaha maamulka 'Puntland' ayaa maanta barqadii ka degay garoonka kismaayo wuxuuna ka qeyb gelayaa munaasabadda lagu caleema saarayo Axmed Madoobe.

Xildhibaanno katirsan dowladda Federaalka iyo siyaasiyiin ay kamid yihiin Cabdi Kariim Guuleed iyo Shariif Sakiin ayaa iyana ka qeyb gelaya munaasabadda lagu caleema saarayo Axmed Madoobe.

Dhinaca kale Max'med Cabdullaahi Farmaajo oo ah madaxweynaha dowladda Federaalka ayaa u amba baxay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.


Farmaajo ayaa ayaa kulamo laqaadanaya R/wasaaraha Xabashida Itoobiya iyo saraakiil kale waxaana la sheegay in uu ka qeyb geli doono shir ay isugu imaanayaan hoggaamiyaasha Ururka IGAD.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items