Askar Jabuutiyaan ah oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Qaraxyo ka dhacay gobolka Hiiraan.

Thursday October 10, 2019 - 20:10:07 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askar Jabuutiyaan ah oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Qaraxyo ka dhacay gobolka Hiiraan.

    Ciidamo Jabuutiyaan ah ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxyo maanta lagula beegsaday gudaha degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo Jabuutiyaan ah ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxyo maanta lagula beegsaday gudaha degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.



Qarax maanta duhurkii ciidamada Jabuuti ku haleelay galbeedka magaalada Jalalaqsi ayay wararku sheegayaan in ugu yaraan 2 askari ay ku dhinteen halka tira kale ay ku dhaawacmeen.

Goob joogayaal ahaa warbaahinta u sheegay in Miino dhulka lagu aasay ay ku qaraxday ciidamada Jabuuti xilli ay gudaha degmada Jalalaqsi ka dukaamaysanayeen , ilo wareedyo ayaa sheegay in qaraxyada ay ku dhinteen 2 askari halka 4 kale ay dhaawacyo soo gaareen.



Wararka ayaa intaas ku daraya in diyaarad melleteri ay kusoo degtay garoonka Macmalka Jalalaqsi waxayna halkaas  ka daabushay Meydad iyo dhaawacyo.

 
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items