DFS oo mamnuucday duulimaadyada tooska uga imaanaya Kenya ee ku sii jeeday Kismaayo

Saturday October 12, 2019 - 10:31:46 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DFS oo mamnuucday duulimaadyada tooska uga imaanaya Kenya ee ku sii jeeday Kismaayo

    Dowladda Federaalka ayaa markale bilaawday cadaadiska siyaasadeed oo ay saarayso maamulka isku magacaabay 'Jubbaland' ee taabacsan dowladda Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Federaalka ayaa markale bilaawday cadaadiska siyaasadeed oo ay saarayso maamulka isku magacaabay 'Jubbaland' ee taabacsan dowladda Kenya.

Qoraal kasoo baxay waxaada duuliska hawada DF ayaa lagu sheegay in diyaaradaha kasoo duula dalka Kenya aysan ka degi karin magaalada Kismaayo waxaana amar lagu siiyay in marka hore ay marayaan garoonka diyaaradaha Muqdisho si halkaas loogu hubiyo.

Amarkan cusub ee kasoo baxay dowladda Farmaajo ayaa ladoonayaa in lagu baajiyo safar ay mas'uuliyiin katirsan dowladda Kenya ku tagi lahaayeen magaalada Kismaayo si ay uga qeyb galaan munaasabadda Caleema saarka Axmed Madoobe.


Siyaasiyiin si aad ah u mucaaradsan Farmaajo iyo Kheyre ayaa magaalada Kismaayo ku sugan halkaas oo ay marti ugu yihiin hoggaamiyaha maamulka isku magacaabay 'Jubbaland'.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items