10 qof Itoobiyaan ah oo ku dhintay shil ka dhacay duleedka magaalada Berbera.

Saturday October 12, 2019 - 11:11:31 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 1
  • Share via Social Media

    10 qof Itoobiyaan ah oo ku dhintay shil ka dhacay duleedka magaalada Berbera.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil gaari oo shalay ka dhacay deegaan katirsan gobolka waqooyi galbeed Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil gaari oo shalay ka dhacay deegaan katirsan gobolka waqooyi galbeed Soomaaliya.


Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Berbera ayaa sheegaya in ugu yaraan 10 qof Itoobiyaan ah ay dhinteen kadib markii uu larogmaday gaari bas ah oo ay ku safrayeen.

Dadka dhintay oo dhammaantood ah Oromo Itoobiyaan ah ayaa safar u ahaa dhanka magaalada Boosaaso halkaas oo ay ugasii tahriibi lahaayeen dhanka wadanka Yemen.

Qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay shilka baabuur ayaa ladhigay isbitaalka guud ee magaalada Berbera, kumanaan kun qof Itoobiyaan ah ayaa sanad walba kasoo gudba xuduud beenaadka waxayna ka tahriibaan xeebaha magaalada Boosaaso iyagoo usii gudbaya dalka Yemen.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items