Wafdi ka socda dowladda Kenya oo gaaray magaalada Kismaayo soo dhoweyna ka helay Axmed Madoobe.

Saturday October 12, 2019 - 12:29:15 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 35
  • Share via Social Media

    Wafdi ka socda dowladda Kenya oo gaaray magaalada Kismaayo soo dhoweyna ka helay Axmed Madoobe.

    Mas'uuliyiin katirsan dowladda Kenya ayaa socdaal ku tagay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mas'uuliyiin katirsan dowladda Kenya ayaa socdaal ku tagay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.



Wararka ka imaanaya Kismaayo ayaa sheegaya in halkaas ay gaartay diyaarad nuuceedu yahay Focker taas oo si toos ah ugasoo duushay magaalada Nairobi.

Wafdiga ka socda dowladda Kenya ee ka qeyb gelaya caleema saarka Axmed Madoobe waxaa hoggaaminaya Aadan Barre Ducaale oo ah guddoomiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kenya islamarkaana ay isku dhowyihiin Uhuru Kenyatta.

Wariyaal ku sugan magaalada Kismaayo ayaa sheegay in wafdiga ka socda dowladda Kenya oo ka kooban illaa 40 xubnood ay soo dhoweyn heer sare ah kala kulmeen Axmed Madoobe hoggaamiyaha maamulka isku magacaabay Jubbaland.



Tallaabadan ayaa waxba kama jiraan ka dhigaysa amarkii kasoo baxay dowladda Federaalka ee mamnuucayay in diyaaradaha ka yimaad dhanka Kenya ay si toos ah uga degaan Kismaayo.

Siyaasiyiin si aad ah u mucaaradsan Farmaajo iyo Kheyre ayaa khamiistii lasoo dhaafay gaaray Kismaayo si ay uga qeyb galaan munaasabadda lagu caleema saarayo Hoggaamiyaha maamulka 'Jubbaland'.

Liibaan Jeexoow Cabdi

SomaliMeMo,Muqdisho

 

Related Items