Al Shabaab Oo sheegatay Mas'uuliyadda Qaraxyo ka dhacday duleedyada Balcad iyo Wanlaweyn.

Saturday October 12, 2019 - 16:39:20 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo sheegatay Mas'uuliyadda Qaraxyo ka dhacday duleedyada Balcad iyo Wanlaweyn.

    Warar faah faahsan ayaa kasoo baxaya qaraxyo khasaara badan dhaliyay oo saacadihii lasoo dhaafay ciidamo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya lagula beegsaday gobollada shabeellooyinka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore qarax Muqdisho ka dhacay
Warar faah faahsan ayaa kasoo baxaya qaraxyo khasaara badan dhaliyay oo saacadihii lasoo dhaafay ciidamo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya lagula beegsaday gobollada shabeellooyinka.

Wararka ka imaanaya duleedka degmada Wanlaweyn ayaa sheegaya in ugu yaraan 4 askari ay dhinteen 10 kalane ay dhaawacyo soo gaareen kadib markii qarax xooggan lala helay gaari nuuca dagaalka ah oo ay wateen ciidamo ka yimid dhanka Balidoogle.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in gaari Tiknika ah oo ciidamadu wateen uu gubtay iyadoona waxyeello gaartay gaari kale, ciidamadan weerarku ku qabsaday deegaanka Warmaxan ayaa ah kuwii uu Mareykanku ku tababaray garoonka diyaaradaha Balidoogle.


Dhinaca kale wararka ka imaanaya duleedka degmada Balcad ee Sh/dhexe ayaa qarax khasaara dhaliyay halkaas lagula beegsaday ciidamo katirsan kuwa maamulka Hirshabelle.

Qaraxa oo ka dhashay miino dhulka lagu aasay ayaa lagu burburiyay gaari Cabdi Bile ah waxayna dhaawacyo garaab ah gaareen Afar askari oo gaariga la socday, dhammaan qaraxyadan khasaaraha lagu gaarsiiyay ciidamada dowladda waxaa mas'uuliyadooda sheegatay Xarakada SHM.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items