Ciidamada Turkiga oo Maleeshiyaad Kurdiyiinta Suuriya ka qabsaday magaalada Muhiim ah.

Saturday October 12, 2019 - 19:41:26 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Turkiga oo Maleeshiyaad Kurdiyiinta Suuriya ka qabsaday magaalada Muhiim ah.

    Melleteriga dowladda dabadhilifka Turkiga iyo maleeshiyaadka kooxaha mucaaradka suuriya ayaa wali sii wada duullaanka ka dhanka ah kooxaha malaaxidada Kurdiyiinta ee maamula qeybo badan oo katirsan gobollada dhaca waqooyiga iyo waqooyi bari Suuriya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Melleteriga dowladda dabadhilifka Turkiga iyo maleeshiyaadka kooxaha mucaaradka suuriya ayaa wali sii wada duullaanka ka dhanka ah kooxaha malaaxidada Kurdiyiinta ee maamula qeybo badan oo katirsan gobollada dhaca waqooyiga iyo waqooyi bari Suuriya.

Wararka ka imaanaya deegaannada dhaca  xuduud beenadka ay wadaagaan turkiga iyo Suuriya ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ah ay la wareegeen gacan ku haynta degmooyin iyo deegaannada xuduudda kaabiga ku haya.

ilaa 30 tuulo oo hoos yimaad magaalooyinka ceynul carab koobaani iyo tal alabyad ayaa ku dhacay gacanta maleeshiyaadka mucaaradka dabadhilifyada ah iyo ciidamada turkiga, maleeshiyaadka kurdiyiinta ayaa isaga baxay dagaal la'aan dhulka ku dhow xuduud beenaadka kaabiga ku haya kadib duqeymo xagga cirka iyo dhulka ah oo ay kala kulmeen ciidamada atraakta.


Magaalada Ra'sul Cayn oo kamid ah magaalooyinka ugu waaweyn gobolka Xasakah ayaa ka baxday gacanta Maleeshiyaadka Kurdiyiinta waxaana qabsaday ciidamada Turkiga iyo kooxaha mucaaradka Suuriya ee dhaxdhaxaadka ah.

Wariyaal ayaa soo sheegay in dagaallo saacado badan qaatay oo duqeymo ay barbar socdeen kadib ay ciidamada huwanta ah usuurta gelisay in ay qabsadaan magaalada Ra'sul Cayn oo noqonaysa magaaladii ugu horraysay ee melleteriga Turkiga ay ku qabsadaan howlgalka loogu magac daray "Nabcu Salaam".

Wasiirka difaaca xukuumadda dabadhilifadda ah ee Turkiga ayaa isagoo ku sugan xuduud beenaadka warbaahinta usheegay in ciidamadoodu ay si guul ah usii wadaan howlgalkan ka dhanka ah maleeshiyaadka kurdiyiinta wuxuuna xaqiijiyay in ay dileen in kabadan 400 oo dagaalyahanno kurdiyiin ah.

Related Items