10 Askari Kenyaan ah oo ku dhintay Qarax ka dhacay deegaanka katirsan Gaarisa.

Saturday October 12, 2019 - 21:14:39 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    10 Askari Kenyaan ah oo ku dhintay Qarax ka dhacay deegaanka katirsan Gaarisa.

    Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ciidamada dowladda Kenya kasoo gaaray qarax xooggan oo maanta lagula beegsaday gudaha dhulka Soomaalida NFD ee gummeysiga kujira.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir hore gaari laga gubay ciidanka Kenya
Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ciidamada dowladda Kenya kasoo gaaray qarax xooggan oo maanta lagula beegsaday gudaha dhulka Soomaalida NFD ee gummeysiga kujira.

Wararka ka imaanaya gobolka Gaarisa ayaa sheegaya in qaraxa miino lala eegtay gaari Kooyal ah oo ay la socdeen ciidanka Kenya xilli ay socdaalayeen wadada xiriirisa deegaanka Kulan iyo Libooye Kenya.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegtay in ugu yaraan 10 askari ay ku dhinteen qaraxa tira kalane ay ku dhaawacmeen.

dowladda Kenya ayaa dhankeeda qirtay in 10 askari loga dilay qaraxa sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidamada booliska.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items