Mas'uul katirsanaa Maamulka 'Hirshabelle' oo lagu dilay deegaanka Fiidoow.

Sunday October 13, 2019 - 10:29:04 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 5 0
  • Share via Social Media

    Mas'uul katirsanaa Maamulka 'Hirshabelle' oo lagu dilay deegaanka Fiidoow.

    Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay xukun dil ah ku fuliyeen mid kamida mas'uuliyiinta maamulka isku magacaabay Hirshabelle.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay xukun dil ah ku fuliyeen mid kamida mas'uuliyiinta maamulka isku magacaabay Hirshabelle.

Fagaare kuyaal deegaanka Fiidoow ee dhaca halka ay iska galaan gobollada Hiiraan iyo Sh/dhexe ayaa shalay gelinkii dambe lagu dilay Cali Cabdullaahi Xasan oo 82 sana jir ah.

Ninkan ladilay ayaa ahaa guddoomiyaha xaafadda Buula Sheekh ee magaalada Jowhar waxaana gacanta kusoo dhigay ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab, maxkamadda maamulka Islaamiga Sh/dhexe ayaa sheegtay in ninka ladilay uu qirtay dhammaan dambiyadii lagu eedeeyay.


Ma ahan markii ugu horraysay oo Al Shabaab deegaannada iyo degmooyinka ay maamusho ay ku disho dad la shaqeynayay dowladda Federaalka iyo ciidamada shisheeye ee dalka kusoo duulay.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items