Dowladda Kenya oo xaqiijisay in 11 Askari ay uga dhinteen Qaraxii Al Shabaab Ee duleedka Gaarisa.

Sunday October 13, 2019 - 10:56:37 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 17 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Kenya oo xaqiijisay in 11 Askari ay uga dhinteen Qaraxii Al Shabaab Ee duleedka Gaarisa.

    Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in khasaara lixaad leh uu ciidamadeeda kasoo gaaray qarax shalay lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Gaarisa ee dhulka Soomaalida NFD.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in khasaara lixaad leh uu ciidamadeeda kasoo gaaray qarax shalay lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Gaarisa ee dhulka Soomaalida NFD.


War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 11 sarkaal oo katirsan saraakiisha Booliska ay ku dhinteen qarax shalay ka dhacay wadada xiriirisa deegaannada Kulan iyo Libooya.

Hillary Mutyambai oo ah isku duwaha guud ee booliska Kenya ayaa warbaahinta maxalliga ah u xaqiijiyay in qarax lala eegtay gaari nuuca dagaalka ah ay ku dhinteen 11 sarkaal.


Isku duwaha guud ee Booliska Kenya ayaa usheegay wakaaladda wararka AP in saraakiisha dhintay uu qarax miino haleelay gaarigii ay la socdeen ciidamada booliska xilli ay ku guda jireen roonddo.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxan khasaaraha badan dhaliyay ee ciidamada Kenya lagula beegsaday gobolka Gaarisa.

Tan iyo markii melleteriga Kenya uu duullaanka gardarra ah kusoo qaaday Soomaaliya sanaddii 2011 ayay Weerarada Al Shabaab kusii xoogeysanayeen gudaha Kenya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items