Al Shabaab Oo War Kasoo Saartay Duqeyn Ay Ku Beegsadeen Xarumaha Shisheeyaha Ee Ku Yaalla Xerada Xalane.

Sunday October 13, 2019 - 16:40:48 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo War Kasoo Saartay Duqeyn Ay Ku Beegsadeen Xarumaha Shisheeyaha Ee Ku Yaalla Xerada Xalane.

    Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyada weerar loo adeegsaday madaafiic oo ay ku qaadeen xerada Xalane oo deegaan u ah xafiisyada hay'adaha caalamiga iyo safaaradaha dowladaha shisheeye.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyada weerar loo adeegsaday madaafiic oo ay ku qaadeen xerada Xalane oo deegaan u ah xafiisyada hay'adaha caalamiga iyo safaaradaha dowladaha shisheeye.


War ka soo baxay taliska ciidanka Mujaahidiinta ayaa lagu sheegay in duhurnimadii maanta ay dagaalyahanada Xarakadu weerar qorsheysan ku beegsadeen xerada Xalane, ayna ku dhufteen ugu yaraan 9 gantaal.

Sarkaal ka tirsan Shabaabul Mujaahidiin ayaa Idaacadda Andalus ee ku hadasha afka Xarakada Al-Shabaab u sheegay in qaar ka mid ah gantaallada ay ku dhaceen xafiisyada QM iyo midka AU islamarkaana uu halkaas ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.


Inta la xaqiijiyey ugu yaraan 6 ruux oo laba ka mid ah ay yihiin Ajaanib cadaan ah ayaa lagu dilay duqeynta, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 5 kale oo saddex ka mid ah la sheegay inay ahaayeen shaqaalaha cadaanka ah ee ka howlgala xeradaasi.

Ilo wareedyo ay heshay SomaliMeMo ayaa tibaaxaya in gantaalada qaarkood ay ku dhaceen maqaayad ku taalla gudaha xerada Xalane oo ay ku nastaan kana cunteeyaan shaqaalaha iyo saraakiisha Ajaanibta ee halkaasi dagan, waxaana la sheegay in xilliga duqeynta ay goobtu ahayd mid mashquul ah oo ay usoo qado doonteen inta badan shaqaalihii halkaas ka howlgalayey.

Wararka qaar ayaa sheegaya inay suuragal tahay in khasaaraha dhimashada uu intaas ka badan yahay maadama ay jiraan dhaawacyo halis ah oo xaaladooda lala tacaalayo kuwaas oo isugu jira Ajaanib cadaan ah iyo ciidamo ka tirsan kuwa Uganda ee ilaaliya xerada.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items