James Swan oo Weerarkii Madaafiicda Xerada Xalane ku tilmaamay mid Argagax gelin ah.

Monday October 14, 2019 - 11:55:20 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    James Swan oo Weerarkii Madaafiicda Xerada Xalane ku tilmaamay mid Argagax gelin ah.

    Waxa loogu yeero Q.Midoobay ayaa si kulul uga hadashay weerarkii madaafiicda ahaa ee shalay lagu qaaday xerada Xalane oo ah saldhigga ugu weyn ee ciidamada AMISOM uga suganyihiin Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa loogu yeero Q.Midoobay ayaa si kulul uga hadashay weerarkii madaafiicda ahaa ee shalay lagu qaaday xerada Xalane oo ah saldhigga ugu weyn ee ciidamada AMISOM uga suganyihiin Soomaaliya.


James Swan oo ah Ergayga Q.Midoobay uqaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay weerarkii Al Shabaab ay ku qaadeen Xalane uu ahaa mid lagu argagax gelinayay shaqaalaha UN-ka ee Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in weerarka madaafiicda ah ee lagu qaaday Xalane uu ka dhignaa mid lagu carqaladaynayo howllaha Q.Midoobay maadaama Xerada ay kuyaallaan xafiisyada ugu waaweyn ee hay'adaha reergalbeedka ay ku leeyihiin Soomaaliya.

"Waxaan aad ula yaabay ficilkan argagaxa leh ee lagula kacay shaqaalaheena, Ma jirto sabab loo qaadan karo falalkaas naxariis darrada ah, Qaramada Midoobayna waxay wali ka go’an tahay inay Soomaaliya ka taageerto jidkeeda nabadda, xasilloonida iyo horumarka" ayuu yiri James Swan .


Al Shabaab ayaa sheegtay in illaa 9 madfac ay ku weeratay Xerada Xalane waana markii 2aad oo sanadkaan gudihiisa ay weerto xeradan oo ammaankeeda si aad ah loo ilaaliyo.

Like saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items