Ciidamada Dowladda oo faarujiyay deegaan katirsan Sh/dhexe iyo Al Shabaab oo dib ula wareegay.

Tuesday October 15, 2019 - 10:28:50 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Dowladda oo faarujiyay deegaan katirsan Sh/dhexe iyo Al Shabaab oo dib ula wareegay.

    Wararka ka imaanaya deegaannada udhaxeeya magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee Sh/dhexe dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyaadka dowladda Federaalka ay faarujiyeen dhul baxaad leh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya deegaannada udhaxeeya magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee Sh/dhexe dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyaadka dowladda Federaalka ay faarujiyeen dhul baxaad leh.

Shalay gelinkii dambe ayay maleeshiyaadka dowladda waxay isaga baxeen saldhiggii ay ku lahaayeen deegaanka Ceel Geeloow oo kaabiga ku haya deegaanka Qalimoow ee Sh/dhexe.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in maleeshiyaadkan oo cadadkoodu gaarayay illaa 300 ay udhaqaaqeen dhanka magaalada Muqdisho, markii ay ciidamadu marayeen deegaanka Gololeey ayuu qarax xooggan haleelay kolonyadii ay la socdeen ciidamadii isaga baxay deegaanka Ceel Geeloow.


Xoogaga Al Shabaab ayaa la wareegay gacan ku haynta deegaanka ay isaga firxadeen maleeshiyaadka dowladda Federaalka Soomaaliya, sababaha ay maleeshiyaadkan uga baxeen deegaanka Ceel Geeloow ayaa lagu sheegay baqdin ay ka qabeen weeraro uga yimaad Al Shabaab.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items