Ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu qarxiyay deegaanno katirsan gobolka Baay.

Wednesday October 16, 2019 - 10:04:05 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu qarxiyay deegaanno katirsan gobolka Baay.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxayo khasaara lagu gaarsiiyay ciidamada Xabashida Itoobiya oo shalay ka dhacay deegaan katirsan gobolka Baay ee Koonfurta dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxayo khasaara lagu gaarsiiyay ciidamada Xabashida Itoobiya oo shalay ka dhacay deegaan katirsan gobolka Baay ee Koonfurta dalka Soomaaliya.


Wararka ka imaanaya wadada xiriirisa degmooyinka Buurhakaba iyo Baydhabo ayaa sheegaya in halkaas laba qarax lagula beegsaday kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxa koowaad ay ku dhinteen illaa Afar askari Itoobiyaan ah kadib markii gaarigii ay la socdeen uu qarax aad u xooggan haleelay.

Qaraxa labaad oo ka dhacay deegaanka Mooda Moode ayaan la ogeyn khasaaraha kasoo gaaray ciidamada Itoobiya, wariye ku sugan gobolka Baay ayaa soo sheegay in ciidamada Xabashida ee weerarada lakulmay ay ka amba baxeen degmada Buur ayna kusii jeedeen dhanka magaalada Baydhabo.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items