35 qof Muctamiriin ah oo ku dhintay Shil baabuur oo ka dhacay Wadanka Sacuudiga.

Thursday October 17, 2019 - 08:27:59 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    35 qof Muctamiriin ah oo ku dhintay Shil baabuur oo ka dhacay Wadanka Sacuudiga.

    Wararka ka imaanaya dhulka Xarameynka ee Sacuudiga loo yaqaan ayaa sheegaya in tobaneeyo qof ay dhinteen kuwa kalane ay dhaawacmeen kadib markii uu shil galay gaarigii ay la socdeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya dhulka Xarameynka ee Sacuudiga loo yaqaan ayaa sheegaya in tobaneeyo qof ay dhinteen kuwa kalane ay dhaawacmeen kadib markii uu shil galay gaarigii ay la socdeen.

Ugu yaraan 35 qof muslimiin Muctamiriin ah ayaa ku dhintay shil naxdin leh oo ka dhacay wadada xiriirisa magaalooyinka Barakaysan ee Madiina Al Munawarah iyo Makka Al Mukarrama.

Afhayeen u hadlay booliska dowladda Aala Sacuud ayaa warbaahinta u sheegay in gaari bas ah oo ay la socdeen dad cimraysanaye uu ku dhacay gaari kale waxaana ka dhashay musiibo lama filaan ah.

Dadka ku dhintayn shilkan ayaa badanaa kasoo jeeda qaaradda Asia kuwaas oo doonayay in ay ucumaraystaan dhulalka barakaysan, dadka ku dhaawacmay shilka oo gaaraya illaa 4 ruux ayaa ladhigay isbitaalka guud ee magaalada Madiina.


Ku darso Page-ka SomaliMeMo ee Facebook oo Like saar

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items