Taliyihii ciidamada DF ee Turkigu tababaray oo Muqdisho lagu dilay.

Saturday October 19, 2019 - 09:43:00 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 4.8/5 Stars) Total Votes: 5
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyihii ciidamada DF ee Turkigu tababaray oo Muqdisho lagu dilay.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya toogasho ka dhacday agagaarka madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya toogasho ka dhacday agagaarka madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.

Maleeshiyaad kawada tirsan dowladda Federaalka ayaa isku rasaaseeyay afaafka hore ee Hoteelka Naasa Hablood2 oo aan sidaas uga fogeyn xarunta madaxtooyada.

Iska hor'imaadka waxaa ku dhintay sarkaal sare oo katirsanaa maleeshiyaadka dowladda ee lagu tababaray saldhigga melleteriga Turkiga ee magaalada Muqdisho.

Jeneraal Maxaadeey oo ahaa taliyihii hoggaaminayay guutada lagu magacaabo Gorgor ee Turkigu tababaray ayaa la xaqiijiyay in uu udhintay dhaawac kasoo gaaray israsaadeynta waxaana jira shaki ah in sarkaalkan si bareer ah ay ubeegsadeen saraakiil kale oo uu khilaaf kala dhaxeeyay.


illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin taliska ciidanka dowladda oo ku saabsan dilka Taliye Maxaadeey balse waxaa magaalada Muqdisho iyo deegaannada ku dhow joogta ka ah iska hor'imaadyada khasaaraha dhaliya ee ka dhax dhaca ciidamada dowladda.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items