Dibad baxyo lagu dalbanayo in lajoojiyo Xasuuqa Soomaalida loogu geysanayo gobolka Sitti oo Jigjiga ka dhacay.

Saturday October 19, 2019 - 10:07:53 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dibad baxyo lagu dalbanayo in lajoojiyo Xasuuqa Soomaalida loogu geysanayo gobolka Sitti oo Jigjiga ka dhacay.

    Kumanaan kun oo qof ayaa dibad baxyo ka dhigay magaalada Jigjiga ee caasimadda u ah dhulka Soomaaligalbeed ee gummeysiga Itoobiya kujira.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kumanaan kun oo qof ayaa dibad baxyo ka dhigay magaalada Jigjiga ee caasimadda u ah dhulka Soomaaligalbeed ee gummeysiga Itoobiya kujira.


Shalay salaaddii Jimcaha kadib ayay dibad baxyo ka oogmeen inta badan xaafadaha magaalada Jigjiga waxaana dibad baxyadaas loogasoo horjeeday gummaadka dadka Soomaalida ah loogu gaysanyo gobolka Sitti ee Soomaaligalbeed.

Dadka iskusoo baxyada dhigayay ayaa ku qeyllinayay erayo ka dhan ah dowladda Itoobiya iyo ismaamulka gobolka Canfarta oo ah meesha lagu xasuuqay shacabka Soomaaliyeed.

Maleeshiyaad isugu jira Canfar iyo Tigree isbahaysanaya ayaa bishii lasoo dhaafay tobanaan qof Soomaali ah ku xasuuqay gobolka Sitti ee xuduud beenaadka dhaca, warbaahinta ku hadasha afka maamul goboleedyada Tigreega iyo Canfarta ayaa shacabka Soomaligalbeed ku tilmaamay soo duulayaal mudan in laga eryo gobolka Sitti.


Dadka iskusoo baxyada ka dhigay magaalada Jigjiga ayaa maamulka dabadhilifka Mustafa Cagjar ku dhaliilay in uu ka gaabiyay wax ka qabashada xasuuqa shacabka ee gobolka Sitti.

Tan iyo markii uu Abiy Axmed noqday R/wasaaraha Itoobiya ayay sare usii kacayeen weerarada ka dhanka ah dadka Soomaalida waxaana weeraradaas geysanayay maleeshiyaad kasoo jeeda qowmiyadaha Canfarta iyo Oromada.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items