Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda dil ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.

Saturday October 19, 2019 - 16:16:50 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda dil ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal lagu dilay mas'uul sare oo katirsanaa maamulka isku magacaabay Puntland ee kajira gobollada Waqooyi Bari Soomaaliya iyo gobolka Mudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal lagu dilay mas'uul sare oo katirsanaa maamulka isku magacaabay Puntland ee kajira gobollada Waqooyi Bari Soomaaliya iyo gobolka Mudug.


Xoogag hubeysan ayaa xalay waqooyiga Gaalkacyo ku dilay agaasimihii kastamka wasaaradda Maaliyadda maamulka Punland qeybta gobolka Mudug.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ladilay Xuseen Cabdulle Hiraabi oo ku magac dheeraa Xuseen Weyne, sarkaalkan oo lagu dilay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa caan ka ahaa gobollada Mudug iyo Nugaal.

Taliyaha ciidamada Booliska gobolka Mudug qeybta maamulka Puntland ayaa weerarkan si aad ah u cambaareeyay wuxuuna sheegay in howlgallo ballaaran ay ciidamada ammaanka qaadeen kuwaas oo ay ku baadi goobayaan raggii dilka geystay.


Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka lagu dilay madaxii kastamka wasaaradda Maaliyadda qeybta mudug ee maamulka 'Puntland'.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items