Weerar Askar lagu dilay gaarina lagu gubay oo ka dhacay gobolka Hiiraan.

Saturday October 19, 2019 - 16:37:56 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Askar lagu dilay gaarina lagu gubay oo ka dhacay gobolka Hiiraan.

    Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in weeraro askar lagu dilay ay saacadihii lasoo dhaafay ka dhaceen deegaanno katirsan gobolkaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in weeraro askar lagu dilay ay saacadihii lasoo dhaafay ka dhaceen deegaanno katirsan gobolkaas.


Weerar ay ciidamada Al Shabaabka fuliyeen duleedka degmada Maxaas ayay ku dileen askari katirsanaa maamulka Hirshabelle, dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in askariga ladilay uu dhac ugeysanayay gaadiidka dad weynaha xilligii ladilayay.

Dhinaca kale weerar hubeysan oo ka dhacay duleedka degmada Jalalaqsi ayay xoogaga Al Shabaab ku dileen ugu yaraan 2 askari waxayna dab qabadsiiyeen gaari maandooriyaha Khaatka usiday ciidamada Jabuuti iyo kuwa dowladda ee Jalalaqsi ku sugan.


Isku geyn askarta lagu dilay weerarada ka dhacay gobolka Hiiraan waa labo askari iyadoona xoogaga Al Shabaab ay horay usii qaateen hubkii ay wateen askarta ladilay, inta badan degmooyinka gobolka Hiiraan ee kujira gacanta ciidamada shisheeye waxaa saaray go'doomin dhanka bariga ah oo 5 sana jirsatay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items