Mareykanka oo ciidamadii uu ka saaray Suuriya u daad guraynaya dalka Ciraaq.

Sunday October 20, 2019 - 08:52:49 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo ciidamadii uu ka saaray Suuriya u daad guraynaya dalka Ciraaq.

    Wasaaradda difaaca dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in boqolaal kamid ah ciidamadeeda ay udaad gurayn doonto wadanka Ciraaq si ay u xoojiyaan ciidamada xukuumadda Baqdaad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda difaaca dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in boqolaal kamid ah ciidamadeeda ay udaad gurayn doonto wadanka Ciraaq si ay u xoojiyaan ciidamada xukuumadda Baqdaad.


Wasiirka difaaca Mareykanka Mark Esper ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 1000 askari American ah oo laga saari doono Waqooyiga Suuriya loo wareejin doono dhanka gobolka Al Anbaar ee dhaca galbeedka wadanka Ciraaq.

Xukuumadda Washington waxay sheegtay in ciidamada Americanka ah ee laga saarayo wadanka Suuriya ay ujihaysan doonaan dhanka Ciraaq iyagoo wata kolonyo gaadiid ah halka saraakiisha qaarkood diyaarado lagu daad gureyn doono.


Wariyaal ku sugan xuduud beenaadka ay wadaagaan Ciraaq iyo Suuriya ayaa sheegay in ay arkeen kolonyo gaadiid American ah oo kasii gudbaya xuduudda.

Mark Esper wasiirka difaaca Mareykanka ayaa isagoo diyaarad dulsaaran u sheegay ragga wararka fidiya in kunka askari ee ay geynayaan Ciraaq ay kala tashadeen R/wasaaraha xukuumadda Baqdaad.

Duullaanka ay ciidamada Melleteriga Turkiga ku qaadeen waqooyiga wadanka Suuriya ayaa jiha wareer ku riday qorshihii maamulka Trump ee dagaalka Suuriya waxaana muuqata in awoodda Mareykanka ee loollanka Suuriya ay aad usii daciifayso.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items