Kacdoon wadayaasha wadanka Lubnaan oo dalbaday in ay iscasisho Xukuumadad Beyruut.

Sunday October 20, 2019 - 09:01:18 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kacdoon wadayaasha wadanka Lubnaan oo dalbaday in ay iscasisho Xukuumadad Beyruut.

    Kumanaan kun oo shacab reer Lubanaan ah ayaa wali dhigaya dibad baxayada ka dhanka ah xukuumadda talada haysa ee wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kumanaan kun oo shacab reer Lubanaan ah ayaa wali dhigaya dibad baxayada ka dhanka ah xukuumadda talada haysa ee wadankaasi.


Wararka ka imaanaya wadanka Lubanaan ayaa sheegaya in wali ay xiranyihiin xarumaha dowladda iyo goobaha ganacsiga sababa laxiriira dibad baxyada oo sii xoogeysanaya.

Dad boqolaal kun oo qof ah ayaa dibad baxyo ka hor dhigaya xarunta madaxtooyada iyo xarunta golaha wasiirrada, dibad baxayaasha ayaa codsanaya in ay iscasisho xukuumadda uu madaxda ka yahay Sacad Alxariiri.

Dhammaan hoggaamiyaasha siyaasadda Lubnaan oo ka hadlay dibad baxyada wadanka gilgilay ayaa ku baaqay in xaaladda ladejiyo, Xasan Nasrullaah Hoggaamiyaha Ururka Shiiciga Xisbullaah ayaa ugu baaqay xukuumadda in ay isbedel latimaad.


Wasaaradda maaliyadda Lubnaan ayaa ku dhawaaqday in la laalay qaraarkii canshuuraha lagu saarayay shabakada bulshada ee Internetka balse hoggaamiyaasha kacdoonka ayaa tallaabadaas u arka mid aan ku filnayn in xal laga gaaro dhibaatada dhanka dhaqaalaha ee wadanka ka jirta.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items