Dagaalka oo dhowr jiho laga qaaday ayaa waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadooona la maqlayay takbiirta ciidamada Xarakada Al-Shabaab.
Lama oga khasaaraha gaaray ciidamada dowladda federaalka ee xalay la kulmay weerarka culus, mana jirin wax gurmad ah oo kasoo gaaray dhanka ciidamada Shisheeyaha ee la jooga degmada Awdheegle.
Tan iyo intii ciidamada huwanta ah soo gaareen degmada Awdheegle waxay la kulmeen weeraro soo noq noqday oo ay kala kulmayaan ciidamada Xarakada Al-Shabaab.
Al-Shabaab Oo Weeraray Ciidamada DF Ee ku sugan Awdheegle.
Wararka naga soo gaaraya wilaayada islaamiga ee Shabeellaha Hoose ayaa ku waramaya in ciidamada Xarakada Al-Shabaab ay duulaan ballaaran ku qaadeen fariisimaha ciidamada dowladda federaalka ku leeyihiin degmada Awdheegle ee gobolkaas.