Sarkaal katirsan Sirdoonka Dowladda oo Afgooye lagu dilay.

Monday October 21, 2019 - 07:11:55 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal katirsan Sirdoonka Dowladda oo Afgooye lagu dilay.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xalay ka dhacay gudaha degmada Afgooye ee dhacda duleedka magaalada Muqdisho kana tirsan gobolka Sh/Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xalay ka dhacay gudaha degmada Afgooye ee dhacda duleedka magaalada Muqdisho kana tirsan gobolka Sh/Hoose.


Xoogag hubeysan ayaa bartama degmada Afgooye ku dilay sarkaal katirsanaa ciidanka sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya, sarkaalka ladilay ayaa caan ka ahaa Afgooye iyo hareeraheeda.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in rag bastoolado ku hubeysan ay dileen Ibraahim Max'med Ibraahim oo ku magac dheeraa (Ibraahim Lawane), raggii dilka geystay ayaa goobta si nabad gelya ah uga dhaqaaqay.


Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka sarkaalkan lagu dilay  ee ka dhacay Afgooye sida ay baahisay Idaacadda Islaamiga Andalus.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items