Dibad baxyo looga soo horjeedo dilka Nabadoon Saciid Addoon oo Kismaayo ka dhacay.

Monday October 21, 2019 - 10:57:21 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dibad baxyo looga soo horjeedo dilka Nabadoon Saciid Addoon oo Kismaayo ka dhacay.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya fal dil ah oo xalay ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya fal dil ah oo xalay ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.


Ciidamo hubeysan oo la sheegay in ay katirsanyihiin maamulka Jubbaland ayaa xalay gudaha magaalada Kismaayo ku dilay mid kamida Nabadoonnada caanka ka ah Jubbada Hoose.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ladilay Nabadoon Siciid Ciise Cabdi oo ku magac dheeraa "Saciid Addoon", ehellada nabadoonka ayaa maamulka Axmed Madoobe ku eedeeyay in uu mas'uulka ka ahaa fal dambiyeedkan.

Dibad baxyo rabshado wata oo loogasoo horjeedo dilka Saciid Addoon ayaa maanta barqadii gilgilay xaafado katirsan magaalada Kismaayo, dadka iskusoo baxyada dhigayay ayaa sheegay in dilka Nabadoonka uu yahay mid siyaasadaysan.


Ciidamo Boolis ah oo katirsan maamulka 'Jubbaland' ayaa xiray qaar kamid ah dadkii dibad baxyada dhigayay ee ehelka la ahaa Nabadoonka xalay ladilay.

Bilihii lasoo dhaafay gudaha magaalada Kismaayo waxaa ka dhacayay dilal qorshaysan oo lagula kacayo Odayaasha dhaqanka ee kasoo horjeedo siyaasadda Hoggaamiye Axmed Madoobe.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xiisado ay ka jiraan magaalada Kismaayo kuwaas oo ka dhashay dilka ay ciidamada maamulka 'Jubbaland' ugeystaan Nabadoon Saciid Addoon, dilkana wuxuu imaanayaa xilli maamulka Axmed Madoobe uu colaadin ku hayo dhammaan dadka saluugsan siyaasaddiisa.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items