Doon sidday Askar iyo saraakiil katirsan DF oo ku degtay Badweynta Hindiya.

Monday October 21, 2019 - 11:24:05 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doon sidday Askar iyo saraakiil katirsan DF oo ku degtay Badweynta Hindiya.

    Ciidamo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lala'yahay kadib markii ay la degtay doon ay kula safrayeen badweynta Hindiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lala'yahay kadib markii ay la degtay doon ay kula safrayeen badweynta Hindiya.


Wararka ka imaanaya xeebta magaalada Marka ee Sh/Hoose ayaa sheegaya in ay badda gunteeda ku degtay doon nuuca xamuulka qaadda ah oo ay la socdeen askar iyo saraakiil katirsan ciidamada dowladda.

Ugu yaraan sedax askari ayaa la sheegay in lagu la'yahay badda gunteeda halka lasoo badbaadiyay 10 askari oo uu kamid yahay taliyaha guutada 14-ka October ee ka howlgasha magaalada Marka.


Warar laga helay Sh/Hoose ayaa sheegaya in doonta degtay ay ka shiraacatay Marka ayna kusii jeedday dhanka magaalada Muqdisho si halkaas ay ugasoo daabusho sahay balse waxay ku degtay meel dhanka bari uga beegan Marka.

Ciidamada DF-ka ee ku sugan xarunta gobolka Sh/Hoose ayaa wajahaya go'doomin adag oo ay saareen xoogaga Shabaabul Mujaahidiin waxaa laga jaray dhammaan waddooyinka soo gala magaalada.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items